Wararka

Rooble ayaa magacaabay guddi farsamo oo ka soo tala bixiya xal ka gaarista qalalaasihii…


Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa magacaabay Guddi Farsamo oo ka soo tala bixiya xal ka gaarista qalaalisihii ka dhacay Muqdisho.

Guddigan ayaa isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano, oo ka kala socda Xukuumadda iyo Mucaaradka.

Magaalada Muqdisho ayaa qeybo ka mid ah waxaa ku sugan ciidamo aan ka amar qaadan dowlada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhowaan ku baaqay in ciidamadaasi ay dib ugu laabtaan xarumahooda,hase yeeshee saraakiisha hogaaminaysa ciidamadan ayaa ka soo horjeestey.

Ciidamada ka soo horjeestey dowlada ayaa waxaa ay dhowaan magacaabeen saraakiil hogaamisa kuwaasoo ka kooban 7 sarkaal oo isugu jira Generaalo iyo Korneelo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14096 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: