Wararka

Lafta-gareen ayaa magacaabay guddi sagaal xubnood ka kooban oo soo baara dilkii caruurtii…


Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa magacaabay guddi sagaal xubnood ka kooban oo baaris ku soo sameysa dilkii bishii April ee Magaalada Baydhabo loogu gaystay wiilkii iyo gabadhii walaalaha ahaa.

Guddigan ayaa loo magacaabay, si ay natiijo sax ah uga keenaan ciddii ka dambeysay dilka wiilka iyo gabadhaasi, oo da’doodu ka yareyd 10 sano.

Magacaabidda Guddigan ayaa timid, ka dib markii bilowgii toddobaadkii uu aabaha dhalay carruurtaasi oo lagu magacaabo Sheekh Aweys Cabdullaahi uu cabasho ka muujiyay natiijada baaritaankii ay sameeyeen laamaha ammaanka.

Guddiga ayaa labo ka mid ah wasiiro.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: