Wararka

Uhuru Kenyatta ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga gaar ah ee dowlada Qatar…


Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga gaarka ah ee dowlada Qatar Dr Mutlaq Al-Qahtani.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka guddoomay farriin gaar ah oo looga siday Amiirka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani, kaasoo uu siday Dr Mutlaq Al-Qahtani oo ah Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan la dagaalanka Argagixisada iyo xalinta khilaafaadka.

Hase yeeshee lama faahfaahin fariinta la gaarsiiyay Madaxweynaha Kenya waxa ay ku saabsaneyd, waxaana sidan oo kale ergeygan uu u gaarsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo fariin uu ugaga siday Amiirka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani.

Dowlada Qatar ayaa laga yaabaa inay dhexdhexaadin ka dhex bilowdo labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya oo xiriirkoodu meel xun marayo.

Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa booqasho dhowr cisho qaadatay ku joogay magaalada Muqdisho oo uu si kala gaar gaar ah ula kulmay Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Mucaaradka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: