Wararka

Xuutiyiinta ayaa Sacuudiga ugu baaqay isdhaafsiga maxaabiista Falastiin iyo labo duuliye iyo tiro…


Hogaamiyaha kooxda Xuutiyiinta, Abdul-Malik Al-Houthi, ayaa cusbooneysiiyay baaq uu u diray Sacuudiga ee ahaa in la soo daayo maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee ka tirsan Jabhadda Muqaawamada Islaamka (Xamaas) ee ku xiran Boqortooyada, taa beddelkeedana la sii daayo laba duuliye iyo tiro saraakiil Saudi ah kuwaasoo ay kooxdiisu gacanta ku dhigtay oo u xiran.

Al-Houthi ayaa wuxuu sheegay in dadaal la sameeyay oo dalabyo loo gudbiyay Sacuudi Carabiya si loo sii daayo kuwa uu ku tilmaamay dadka la afduubtay ee Falastiiniyiinta, laakiin dadaalkaasi wuxuu la kulmay diidmo, isagoo u muujiyay rabitaankiisa inuu dhameystiro dalabka loo soo bandhigay.

Wuxuu intaas ku daray, “Waxaan sameynay dadaal waxaana u bandhignay maamulka Sacuudiga fursado badan oo lagu sii deyn karo Falastiiniyiinta la afduubay, laakiin ilaa iyo hadda, waa mid aan is bedelin.”

Bishii Maarso 2020, Xamaas waxay muujisay sida ay ugu faraxsan tahay hindisaha hoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta, Abdul-Malik Al-Houthi, ee ah is-dhaafsiga maxaabiista Sacuudiga iyo maxaabiista Falastiiniyiinta.

Xilligaas, xubin ka tirsan Xafiiska Xiriirka Caalamiga ee Dhaqdhaqaaqa, Bassem Naeem, ayaa shaaca ka qaaday in dhaqdhaqaaqa uu xiriir toos ah la leeyahay oo dhex-dhexaadiyayaal ku dhex jira iyaga iyo Sacuudiga si loo sii daayo maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee lagu eedeeyay inay taageeraan argagixisada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: