Wararka

Amiirka Qatar ayaa ugu hambalyeeyay Farmaajo iyo Kenyatta go’aanka geesinimada leh ee…


Amiirka dalka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani ayaa soo dhaweeyay dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Dowladaha Somalia iyo Kenya.

Amiirka ayaa tallaabada ay xiriirkooda ku soo celiyeen labada dowladood waxaa uu ku sheegay mid geesinimo leh, isagoona xusay in Qatar ay ebid ka shaqayn doonto wanaagga iyo nabadda.

“Waxaan ugu hambalyeynaya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta go’aanka xikmadda iyo geesinimada leh, ee ay ku soo celiyeen xiriirkii diblomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya. Waxaan si dhab ah ugu rajeynaynaa labada dal ee deriska ah iyo dadkooduba nabadgelyo iyo xasillooni.” Ayuu yiri Amiirka.

Amiirka ayaa yiri “Waxaan xaqiijinayaa in Qatar ay weligeed sii wadi doonto ku dadaalka wanaagga iyo nabadda.”

Warmuriyeed ay si wadajira u soo saareen Somalia iyo Kenya ayaa loogu mahadceliyay Amiirka Qatar gacantii uu ka geystay arrintan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: