Wararka

RW Rooble ayaa ka ambabaxay Garoonka Aadan Cade isagoo ku sii jeeda dalka Sacuudiga…


Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagooo kusii jeeda Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Ujeedka socdaalka Rooble ayaa waxaa uu yahay gudashada waajibaadka Cimrada, waxaana diyaarad qaas ah Boqortooyada Sacuudiga u soo dirtay Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ka qaaday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu tegi doonaa labada Xaram ee Shariifaynka ah ee Maka Al-mukarama iyo Madiintul-Munawara, si uu ugu soo cibaadaysto maalmaha u dambeeya ee bishan barakaysan ee Ramadaan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: