Wararka

Dowladda Somalia ayaa beenisay wararka sheegaya in la fasaxay qaadka ka baxa dalka Kenya…


Dowladda Somalia ayaa beenisay wararka sheegaya in dowladdu ay qaaday xayiraaddii ay kol hore ku soo rogtay qaadka laga keeno dalkaasi Kenya.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa shirkadaha duulimaadyada ku wargelisay in uu mamnuuc yahay qaadka Mirowga ee ka baxa dalka Kenya, isla-markaana aanay waxba iska bedelin siyaasaddii dowladda ee ku mamnuucday keenista qaadkaasi.

Hay’adda Duulista Rayidka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in qaadka Kenya oo dalka la keeno, iyadoo aan fasax laga haysan ay u arki doonaan ficil sharci-darro ah, xadgudubna ku ah hawada Somalia, inta ay dowladdu ka soo saareyso wargelin dambe.

Khamiistii ayay ahayd markii Dowladaha Somalia iyo Kenya ay warmurtiyeed ku sheegeen inay dib u soo celiyeen xiriirkoodii diblomaasiyadeed.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: