Wararka

Duraan Faarax ayaa ka hadlay qoraal ka soo baxay Kenya oo lagu hakiyey duulimaadyada…


Wasiirka Gadiidka Duulista Hawada Dowlada Federalka Duraan faarax ayaa ka hadlay qoraal ka soo baxay dalka Kenya oo ku aadanaa joojinta duulimaadyada Soomaaliya.

Duraan Faarax Wasiirka Duulista Hawada ayaa sheegay in uusan jirin xiriir toos ah oo ay dowlada Kenya la soo sameeysay dowlada Soomaaliya oo ay baraha bulshada ka aragtay qoraalka ka soo baxay dowlada Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintaas ay saameyn ku yeelaneyso labada dalba waxana uu xusay in aysan jirin dhibaato gaar ah oo dalka Soomaaliya kasoo gaarayo.

“Dowlada Soomaaliya waxa ay arrinkaas kasoo saari doontaaa go’aan munaasib ku ah, waqtiga ku haboona uu go’aankaasi soo bixi doono.”ayuu yiri wasiirka duulista hawada.

Hay’ada Duulista u qaabilsan dowlada Kenya ayaa sheegtay in la hakiyay muddo saddex bilood ah duulimaadyada dalka Soomaaliya tagayay iyo kuwa ka imanayayba.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: