Wararka

MW Farmaajo oo booqasho ku joogga magaalada Kampala ayaa la kulmay Yoweri Museveni…


Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku joogga Magaalada Kampala ayaa la kulmay dhigiisa dalkaasi Uganda, Yoweri Museveni.

Qoraal lagu daabacay barta Villa Somalia ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ay ka wadahadleen xiriirka labada dhinac, gaar ahaan arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo weliba siyaasadda.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed la qaatay dhigiisa Dalka Uganda, Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay Madaxdu isku raaceen adkeynta xiriirka qotada dheer ee ku dhisan iskaashi iyo wax wadaqabsi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhigiisa dalkaas Madaxweyne Yoweri Museveni guusha uu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay dalkan, isaga oo u rajeeyay horumar iyo barwaaqo Shacabka iyo Dowladda Uganda.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa Magaalada Kampala u tagay ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka ee Madaxweyne Museveni.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: