Wararka

Finalka Champions League 2020/21 ayaa laga bedelay Istanbul loona raray dalka Portugal…


Finalka Champions League 2020/21 oo beryahanba hadalheynteedu aheyd in laga bedeli doono magaalda Istanbul sababo la xiriira dowladda Ingriiska oo ku dartay liiska gaduudan dalka Turkiga sababaha Covid-19 awgeed.

Hadaba UEFA ayaa go’aansatay in loo raro finalka Champions League dalka Portugal ee garoonka Estadio do Dragao oo ka mid ah garoomada ugu caansan ee Portugal ay leedahay, waxaana 2019kii lagu qabtay UEFA Nations League.

Garoonkan ayaa loo dhisay inuu marti geliyo UEFA EURO 2004, waxaa la furay sanadkii 2003 oo lagu furay ciyaar saaxiibtinimo oo kooxda Barcelona oo la socday Lionel Messi oo markaasi 16 jir ahaa, Garoonka ayaa lagu bedelay garoonkii Porto ee hore Estadio das Antas.

Ciyaartan oo ay isku arki doonaan labo kooxood oo Ingriis ah Manchester City iyo Chelsea ayaa lagu waday in lagu qabto Istanbul Turkey, laakin go’aan ay UEFA maanta gaartay ayaa lagu bedelay goobta ciyaarta, maadaama Portugal ay ku jirto liiska cagaaran ee Ingriiska. Laakin waxaa la diiday dalab uu Ingriiska ku doonayay in lagu qabta Wembley ee magaalada London.

Dalka Portugal ayaa horey u marti geliyey seddax jeer kale koobkan:
1967 Celtic 2-1 Inter (Estadio Nacional, Lisbon)
2014 Real Madrid 4-1 Atletico de Madrid (Estadio da Luz, Lisbon)
2020 Bayern 1-0 Paris Saint-Germain (Estadio da Luz, Lisbon)

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: