Wararka

Lafta Gareen iyo Qoor Qoor ayaa soo gaaray Mogadishu si ay uga qeyb galaan shirka…


Madaxweynaha dowlada goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa soo gaaray magaalada caasimada ee Muqdisho, isaga oo ka qeyb galaya shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Shirkan oo lagu waday inuu maanta furmo ayaa la sheegayaa inuu Sabtida u dhacay, arrimo farsamo awgeed iyo Madaxda dowlad Goboleedyada ee ka qeyb galaya oo aan weli soo wada dhameystirmin, lana filayo kuwa dhiman in maanta illaa berri soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa xalay gaaray magaalada Muqdisho. Saacadaha soo socdana waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha, Jubbaland, Puntland iyo Hir-Shabeelle.

Dhanka kale Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka degey xalay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee la filayo inuu ka furmo caasimadda dalka ee Muqdisho.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa noqday mas’uulkii ugu horeeyey ee ka socda dowlad goboleedyada ee soo gaaray magaalada Muqdisho.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: