Wararka

RW Rooble ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey shirka loo balansan yahay inuu Mogadishu…


Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey mira-dhalka shirka loo balansan yahay inuu maanta Muqdisho ka furmo.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa soo saaray qoraal ka kooban shan qodob oo uu ugaga hadlayo yididiiladiisa kulanka.

Qoraal kooban oo bartiisa arrimaha bulshada uu soo dhigey ayuu ku sheegay;

1 – Waxaan u diyaar garownay shirka golaha wadatashiga Qaran ee dhameystirka arrimaha doorashooyinka.

2 – Waxaan filayaa in si habsami leh uu noogu furmo, guulna noogu dhamaado, si dalku u aado doorasho daahfuran oo heshiis lagu yahay.
3 – Waxaa iga go’an fududeynta wax kasta oo horseedi kara in shirkani uu guuleysto.

4 – Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa taageeradooda dadaallada aan wadno, waxaana ka codsanayaa garab istaag.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: