Wararka

Xafiiska QM ee Somalia ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay tanaasul iyo is afgarad…


Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somalia (UNSOM) ayaa ugu baaqay Ra’iisal Wasaaraha Somalia, Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada inay tanaasul iyo is afgarad ka gaaraan arrimaha doorashooyinka ee dalka, si dalka uu horey ugu socdo.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ay kalsooni buuxdo ka haystaan Qaramada Midoobey.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Tanaasul iyo is afgarad ayaa loo baahan yahay si Somalia ay horey ugu socoto, iyadoo ay dan u tahay dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda kale ee Soomaaliyeed waxay taageero weyn ka haystaan ​​Qaramada Midoobey, si loogu guuleysto Shirka Wadatashiga Qaran, ee ay hoggaaminayso Soomaalida ee looga hadlayo doorashooyinka.

Qaramada Midoobay ee Somalia waxaa sharaf u ah in ay la kulantay Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, maalmihii la soo dhaafay.

Waxaan ku dhiirigelinay dhammaan Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay si daacadnimo leh uga qaybgalaan shirka Muqdisho ka dhacaya, si dhakhso lehna heshiis looga gaaro hirgelinta doorashooyinka.”

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: