Wararka

Dagaal hubka noocyadiisa kala duwan leysku adeegsaday ayaa maanta ka dhacay Wanlaweyn…


Dagaal hubka noocyadiisa kala duwan leysku adeegsaday ayaa maanta ka dhacay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidan kala taabacsan Guddoomiyaha Degmada, Maxamed Siidow Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada, Axmed Cabdullaahi Cabdi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku hayo barro kontorool oo lacago looga qaado gaadiidka isugu kala goosha Gobolada Koonfurta.

Dagaalka oo ka qarxay Warta Daa’uud Buulle ayaa ku fiday xaafadda Muuri, taasoo hakad ku keentay dhaqdhaqaaqii dadka, gaadiidka iyo weliba ganacsigii degmadaasi.

Maxamed Siidow Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn ayaa Guddoomiye Kuxigeenkiisa ku eedeeyay in ciidanka taabacsan ay weerareen Daraawiishta Koonfur Galbeed ee fariisimaha ku leh Warta Daa’uud Buulle.

Guddoomiyaha ayaa Warbaahinta u sheegay in markii horeba sifo aan sharci ahayn lagu soo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka, isla-markaana aanu deegaanka kala garanayn, inkastoo sida uu qirayba uu deegaan ahaan u dhashay.

Taliyaha Saldhigga Booliska ee Degmada Wanlaweyn, Cabdalla Boorow Xasan ayaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka ugu baaqay inay si deg-deg ahi dagaalka u joojiyaan, haddii kalena ay tallaabo ka qaadi doonaan, sida uu yiri.

Taliyaha ayaa Maamulka Koonfur Galbeed ugu baaqay in uu soo fara-geliyo xaaladda ka taagan degmadaasi, bacdamaa ay walaac badani ku hayso dadka deegaanka.

Inkastoo aanay jirin cid labada dhinac kala dhexgashay ayaa waxaa haddana la soo sheegaya in dagaalka uu si iskiis ah u istaagay, isla-markaana ay suurtagal tahay in markale ay foodda is daraan, haddii aan la kala dhexgelin.

Illaa iyo hadda inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay saddex ka mid ah dhinacyadii uu u dhaxeeyay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: