Wararka

Wejigii hore ee Shirka Wadatashiga Qaran ayaa ku soo idlaaday jawi is-faham leh…


Waxaa goor dhow soo geba-gaboobay wejiga hore ee Shirka Wadatashiga Qaran, iyadoona uu ku soo idlaaday jawi is faham ah.

Shirka ayaa waxaa Xerada Afisyooni ka furay Ra’iisal Wasaaraha Somalia, Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qaybgalay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxda ayaa isla gorfeeyay dadaalada Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee loo qaaday hirgelinta iyo dhameystirka hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Shirka oo dib u bilaaban doono Axadda berrito ayaa looga arrinsanayaa sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka September, ee ay horay u ansixiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: