Wararka

Afhayeenka Xukuumadda Somalia ayaa beeniyey in lagu heshiiyey qodobo shirka wadatashiga…


Afhayeenka Xukuumadda Somalia, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa beeniyay inay jiraan qodobo lagu heshiiyay Shirka Wadatashiga Qaran ee ka furmay Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa been abuur ku tilmaamay wararka leysla dhexmarayo ee sheegaya in ay jiraan qodobo durbaba lagaga heshiiyay shirka.

Afhayeenka ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in shirka uu bilow yahay, isla-markaana uu sii socon doono, illaa iyo inta heshiis rasmi ah lagaga gaarayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

“Wararka leysla dhexmarayo ee sheegaya in ay jiraan qodobo lagu hishiiyay, isla maalinka furitaanka Shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ee uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waa been abuur aan sal iyo raad toona laheyn. Shirku wuu sii soconayaa, si heshiis loo gaaro.” Ayuu yiri Macalimuu.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa shalay shirka ka furay Xerada Afisyooni, iyadoona ay ka qaybgaleen Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed.

Shirka oo dib u bilaaban doono maanta oo Axad ah ayaa looga arrinsanayaa sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka September, ee ku qotamay qaabka doorasho ee dalka. Heshiiskan ayaa waxaa horaan ansixiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: