Wararka

Taliyaha Booliska ayaa isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah taliska Booliska gobolka Banaadir…


Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa markale isbadal ku sameeyay qaar ka mid ah taliska booliska degmooyinka gobolka Banaadir.

SIdoo kale Taliye Xijaar ayaa u magacaabay taliye ku xigeenka qaybta guud ee gobolka Banaadir Gaashaanle sare Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle, kadib markii uu dhowaan geeriyooday taliye ku xigeenkii hore Kornel Waaweyne.

Taliyeyaasha saldhigyada gobolka Banaadir ee isbedelka lagu sameeyay ayaa waxaa kamid ah Farxaan Maxamed oo laga dhigey taliyaha Boondheere waxaana lagu badalay Kabtan Ismaacil Sacid.

Yaxye Maxamed Ibrahim oo Loo yaqaano (Yaxye Casuuro) ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Boliiska Degmada Dayniile.

Gaashaanle Macalin Aadan ayaa Loo Magacaabay Taliyaha Boliiska Degmada Dharkenley ee Gobalka Banaadir, waxaana Laga qaaday Saldhiga Degmada C/casiis. Axmed Bootaan waxaa loo magacaabay Saldhiga Wadajir, Ismaaciil Siciid Jaamac waxaa laga dhigey Saldhiga Waaberi, Xasan Cabdulle Bashiir Saldhiga C/casiis. Zakeriye Cabdullahi waxaa loo magacaabay Saldhiga Hodan, Abuukar Sheekh Aadan laga dhigey Taliye Ku xigeenka Kaxda. sidoo kale Cumar Axmed ayaa noqday Taliye Ku xigeenka degmada Boondheere.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: