Wararka

Ganacsade Soomaali ah ayaa la sheegay in ay xaaskiisa ku dishay dalka Koonfur Afrika…


Ganacsade Soomaali ah oo ka mid ah dadka ku ganacsada dalka Koonfur Afrika ayaa lagu diley xaafada Mayfair ee magaalada Johannesburg.

Ninkan oo la oran jirey Cabdikariin Gigis, ayaa la sheegay in dilkiisa ay ka dambeysay xaaskiisa oo u dhalatay wadanka Koonfur Afrika iyadoo ku dishey bastoolad uu lahaa.

Ciidamada Booliska Xaafadda Soomaalida ee Mayfair ay gacanta ku dhigeen haweeneyda dishay Ninkeeda kadib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf la xiriira arrimo qoys.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika joogto ka noqday dilalka loo geeysanayo Soomaalida, waxaana labadii todobaad ee la soo dhaafay dalkaas lagu dilay ku dhawaad 10 Dhalinyaro Soomaali ah, iyada oo dilalkaas ay geystaan burcad u dhashay dalka Koonfur Afrikan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: