Wararka

Golaha Ammaanka ee QM ayaa lagu wadaa inuu shir gaar ah ka yeesho xaaladda Somalia…


Golaha Ammaanka ee QM ayaa Maanta oo talaado ah shir gaar ah ka yeelan doonaa xaaladda dalka Soomaaliya, sida uu shaaciyay xaafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa lagu sheegay in Goluhu maanta shir ka yeelanayo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna doorashooyinka dalka.

Shirka Golaha Ammaanka waxa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, oo ay ku jirto doorashada iyo sidoo kale arrimaha banii’aadannimada.

Shirka waxa warbixinno kooban siin doona Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: