Wararka

Militariga Mali ayaa xabsiga u taxaabay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka difaaca…


Wararka ka imanaya dalka Mali ayaa sheegaya in Milatariga dalkaasi ay xabsiga u taxaabeen Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiirka Difaaca ee dowladda kumeel gaarka ah ee dalkaas.

Dhammaan madaxdan ayaa lagu hayaa xero milatari oo ku taal duleedka magaalada Caasimada ah ee Bamako.

Arrintan ayaa timid saacado yar kaddib marki laba xubnood oo ka mid ah millitariga laga qaaday xilalkii ay ka hayeen dowladda isku-shaandheyn la sameeyay kaddib, waxaana sidaas wakaaladda wararka ee Rueters u xaqiijiyay ilo wareedyo diblamaasiyadeed iyo kuwo ka tirsan dowladda.

Bilooyin kahor ayay ahayd markii millitarigan ay xakunka ka tuureen madaxweynihi hore Mali Ibrahim Boubacar Keita.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si deg deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo madaxda dowladda kumeel gaarka ah ee Mali.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: