Wararka

Siyaasiyiinta gobollada Waqooyi ee uu hogaamiyo Cabdi Xaashi ayaa ku hanjabay inay qaadan…


Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee taabacsan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ka horyimid heshiiska Doorashada ee la filayo in maanta lagu saxiixo xerada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ay soo saareen siyaasiyiintaas ayay ku sheegen in aan wax talo ah ku lahayn saddex qodob oo ka mid ah heshiiska Afisyone.

“Waxaan u cadeyneynaa saamileyda siyaasadda, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, in wax talo ah aan ku laheyn, wax xog ah oo sax ah aanan ka helin sida loo dhigay arrinta Somaliland oo ka mid aheyd seddaxda qodob oo xalkooda loo qabtay shirka.” sidaasi ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen qeyb ka mid ah ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada Waqooyiga, gaar ahaan garabka uu hogaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Siyaasiyiinta gobollada Waqooyi ee uu hogaamiyo Cabdi Xaashi ayaa ku hanjabay in ay qaadan doonaan go’aan masiiri ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: