Wararka

Kooxaha Inter Milan iyo Real Madrid ayaa yeeshay tababarayaal cusub kadib markii…


Simone Inzaghi ayaa noqday macallinka cusub ee kooxda kubadda cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga.

Tababaraha reer Talyaani ayaa kooxda Nerazzurri u saxiixay heshiis cusub oo labo sanadood ah.

Bayaan ka soo baxay kooxda Inter Milan ayaa lagu xaqiijiyey warkan waxa uuna u dhignaa: “Kooxda kubadda Internazionale waxa ay jeceshahay inay kooxda ku soo dhoweyso Simone Inzaghi, waa macallinkeenna kooxda koowaad, Tababarahan reer Talyaani ayaana heshiis labo sanadood ah u saxiixay Nerazzurri.”

Simone Inzaghi ayaa buuxin doona booskii uu banneeyey Tababarihii kooxda Inter Milan xilli ciyaareedkan ku hoggaamiyey Horyaalka Serie A ee Antonio Conte, kaasoo maamulka naadiga ay isku qabsadeen arrimo la xiriira suuqa kala iibsiga xiddigaha.

Dhinaca kale Carlo Ancelloti ayaa noqday tababaraha kooxda Real Madrid, wuxuu bedelay macallin Zinedine Zidane.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: