Wararka

Natiijooyinka horudhaca ah ee doorshada Somaliland ayaa la sheegay in xisbiga Wadani uu…


Doorashooyinkii Golaha Wakiiladda iyo Deegaanka Somaliland oo gobolada intoodii badnayd la shaaciyay natiijada kasoo baxday doorashadii halkaasi ka dhacday 31 May.

Gudiyadda heer gobol ee komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijooyinka hordhaca ah ee doorashadii loo dareeray 31-bisha May, shan Gobol iyo Dhamaan degmooyinka Darajadda B C iyo D ayaa ilaa hadda lagu dhawaaqay iyadoon weli aan lagu dhawaaqin Gobolka Maroodijeex oo la filayo in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo.

Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa hadda waxa natiijada ay kala haystaan udhigan tahay sidan:-

1- Xisbiga waddani ayaa haysta 24 kursi 2- Xisbiga Kulmiye isna wuxuu haysta 22 kursi

3-Xisbiga Ucid ayaa haysta 16 Kursi.

Waxaase si wayn isha loogu hayaa Gobolka ugu balaaran Somaliland ee Maroodi-jeex oo aan wali lagu dhawaaqin Natiijadiisa.

Waxa sidoo kale xusid mudan inaanay xildhibaanada soo baxay ilaa hada aanay kujirin Hal qof oo haween ah oo kusoo baxday tartankii Doorashada.

Doorashadan ayaa ahayd laba doorasho oo isku lamaanan, waa markii ugu horaysay oo doorasho noocan ahi ay ka dhacdo dhulka Soomaaliyeed.

Maamulka Somaliland ayaa xaqiijiyay sugidda amniga dadka codkooda dhiibanayay iyagoo laamaha amaanka Somaliland sheegay inay doorashadii isku sidkanayd kusoo dhamaatay guul taariikhi ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: