Wararka

Golaha Ammaanka ee QM ayaa digniin ka soo saaray markab saliid sida oo dhex yaal badda…


Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa digniin kasoo saaray markab saliid sida oo in ka badan 30 sano dhex yaal badda Yemen kaas oo ay sheegeen in xilli kasta uu iminka qarxi karo.

Markabkan oo lagu magacaabo FSO Safer islamarkaana la dhisay 1976-kii ayaa sannadkii 1988 looga tagay dekedda magaalada Hodeida, isaga oo ay saaran tahay in la badan 1-milyan oo fuusto shidaal ka buuxaan.

Golaha Ammaanka ayaa horay uga codsaday kooxda Xuutiyiinta ee gacanta ku haysa magaaladaasi in ay u fududeeyaan baarayaasha Qaramada Midoobay, balse waa ay ka diideen, waxaana ay iminka u dirayaan codsi cusub.

Waxaa laga cabsi qabaa in markabkaasi qarxo islamarkaana geysto musiibo isugu jirta dhan dhaqaale, sumeynta bey`ada iyo biyaha badda iyo ciriiri ka dhasha isu-socodka maraakiibta ee biyahaasi.

Saliidda saaran markabkaasi ayaa lagu qiyaasay lacagteeda in ka badan 40 milyan oo dollar.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: