Wararka

Guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan ayaa laga saaray 34 xubnood…


Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan.

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa ku dhawaaqay in 34 qof oo ka mid ah xubnihii la soo magacaabay ay baaritaan dheer kadib ay saameen ku yeesheen eedeentii la soo jeediyay ayna u kala direen maamul goboleedyadii soo magacaabay iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaarkood laga soo magacaabay

Dhawaan ayey aheyd markii Midowga Musharaxiinta ay soo gudbiyeen ilaa iyo 67 qof oo ay siyaabo kala duwen uga cabanayeen oo ay lahaayeen waxay katirsan yihiin dowladda, ciidanka iyo qaar siyaasisiina ama ay ku eedeenayeen in ay dhexdhexaad aheyn.

Guddiga ayaa sheegay in muddo 48 saacadood gudahood ah ay ku soo magacaabaan xubnihii badali lahaa 34 taas xubnood ee uu guddigu soo gudbiyay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: