Wararka

Natiijada doorashada gobolka Maroodi Jeex ee Somaliland ayaa lagu dhawaaqay…


Waxaa lagu dhawaaqay natiijada doorashada gobolka Maroodi-Jeex ee sida aadka loo sugayay iyadoo uu ahaa gobolka uu ugu dambeeyay ee Golaha Wakiillada gobolka Maroodi-jeex oo ka kooban 20 xubnood ayaa looguu kala guuleystey sidan hoos ku qoran;

Kulmiye: 8 kursi
Waddani: 7 kursi
Ucud: 5 kursi.

Xubnaha ku guuleystey kuraasta ayaa waxa ka mid ah Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo xisbiga Wadani ka tirsan,Xasan Saleebaan Dhuxul Laab-saalax oo ah abwaan caan ah oo ka tirsan xisbiga Kulmiye

Xisbiga mucaaradka Waddani ayaa Golaha Wakiillada Somaliland oo ka kooban 82 xubnood ka helay 31 kursi, halka Kulmiye helay 30 kursi, Ucid-na wuxuu helay 21 kursi.

Guud ahaan kuraasta Wakiilada cusub ee Somaliland ayaa waxaa ku guuleytey rag iyadoo aysan dumarka wax xubin ah ku lahayn.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: