Wararka

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeyay doorashii dhamaadkii bishii May ka dhacday Somaliland…


Beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay doorashadii 31-kii May ka dhacday Somaliland, iyagoo sheegay in ay ka dhabeeyeen ballan qaadkii doorashooyinka, geeddi socodka ka qeybgalka siyaasadda iyo xoojinta dimuqraadiyadda.

“Saaxiibada Caalamku waxay ugu hambalyeynayaan shacabka Somaliland, xisbiyada siyaasadda, guddiga doorashooyinka qaran iyo hay’adaha kale ee dowladda sida wanaagsan ee ay u hirgaliyeen doorashadii baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka iyo habsami u socodka doorashada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Bayaankan ayaa lagu sheegay in saaxiibada caalamka ee Somaliland ay soo dhaweynayaan doorashada xubnaha beelaha la heybsooco ee loo doortay goleyaasha deeganka iyo wakiillada, laakiin ay ka xunyihiin hoos u dhaca matalaadda haweenka, iyagoo ku boorriyay maamulka iyo xisbiyada Somaliland inay xaqiijiyaan doorka haweenka ee doorashooyinka mustaqbalka.

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheeegay in saaxiibada Somaliland ay ka go’antahay sii wadista wadashaqeyn wax ku ool ah oo la xiriirta xoojinta dimuqraadiyadda iyo taageerada doorashooyinka joogtada ah ee heerarka kala duwan ee wakhtigooda ku dhaca.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray; Midowga Yurub, Belgium, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, The Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, United Kingdom.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: