Wararka

Kooxda farsamada doorashooyinka ayaa yeeshay kulankoodii ugu horeeyay tan iyo markii…


Kooxda Farsamada Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa yeeshay kulankoodii ugu horeeyay tan iyo markii la magacaabay.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha farsamo ee mudnaanta u leh Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya si uu habsami uga fuliyo howlaha doorashooyinka ee uu u xilsaaran yahay.

Guddigaan waxaa ay Rai’sal wasaaraha ay ka taageeri doonaan:

  1. In qodobadii heshiiska lagu gaaray shirkii Golaha wadatashiga Qaranka 27 ka May 2021 loo fuliyo si habsami ah.

2.Xiriirinta dhamaan hay’adaha ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka si loo hagaajiyo habsami u xiriirka hay’adaha wada shaqeynaayo

  1. In taageero farsamo uu siiyo guddiyada doorashooyinka.

4.Xiriirinta Xafiiska Rai’sul wasaaraha, Golaha wadatashiga qaranka iyo beesha caalamka.

Doorashooyinka Soomaaliya waxa maamulaya hirgalintooda guddiyada madaxa bannaan ee heer Federal FIET iyo Heer dowlad Goboleed SIET iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Kooxdan Ra’isul Wasaaruhu magacaabay waxa ay shaqadoodu ku kooban tahay in ay farsamo ahaan gacansiiyaan guddiyadaas kor ku xusan si howlaha doorashada ugu qabtaan si daahfuran oo madax bannaan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: